Marko(CKG)– Saldhiga Booliska Magaalada Marko xarunta gobolka sh/hoose oo muddo sanado ah bur-bursanaa ayaa dib u dhis habeyn lagu sameeyay, munaasabad kooban oo xaraga looga jaraayay ayaa lagu dhax qabtay saldhiga, waxaana ka soo qeyb galay ururada bulshada,saraakiil ciidan iyo maamulka degmada Marko.
Ugu horeyntii ayaa waxaa kahadlay taliye ku xigeenka saldhiga iyo qaar kamid ah bulshada magaalada Marko iyagoo sheegay muhiimadda u leedahay in muddo kadib dib loo dhiso saldhiga booliska Magaalada.
Gudoomiyaha maamulka degmada Marko ee xarunta gobolka sh/hoose Cusmaan Muuse Maxamed ayaa xaraga ka jarey saldhiga, wuxuuna maamulka KGS iyo saldhiga booliska KG kaga mahadceliyay kaalinta ay ka qateen in dib u dhis lagu sameeyo saldhigii booliska ee loogu adeegi lahaa Bulshada Degmada Marko, wuxuuna sheegay in wax badan iska bedeli doono sharciga iyo sidii hore ee dhinaca amniga loogu adeegi jiray bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com