Baydhabo(CKG)-Agaasimaha guud ee Waaarada Caaafiaadka iyo daryeelka Bulshada Dowlada KGS. ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku daahfurey Tababar ku saabsan tayeynta xirfadlayaasha Caafimaad ee ka shaqeeya xaruumaha Tallaalka bixiya ee ku kala yaala Degmooyinka Baydhabo, Buur-hakaba iyo Berdaale oo kawada tirsan Gobolka Bay, laguna Tallalo Carruurta iyo Hooyooyinka ( Immunization EPI)
Tababarkan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay ku dhawaad 50 shaqaale caafimaad ah oo ka kala yimid Isbitaalka Gobolka, kan degmada Baydhabo, MCH-yada ku yaala Xaafadaha magaalada Baydhabo,kuwa ka yimid degmooyinka Berdale iyo Buur-hakaba, waxaana daruusta ama casharada bixinaya Macalimiin khibrad u leh arimaha tayeynta Tallaalka carruurta iyo Hooyooyinka.
Inkastoo dhaqatiirta laga soo xulay degmooyinka qaar ee gobolka Baay aqoon fiican ay u leeyihiin Tallaalka, ayaa haddana tababarka, waxaa lagu xoojin donaan bixinta tallaalka kuwa hooyada iyo carruurta.
Fikirado iyo xogog dheeraad ah ayay is weydiin donaan dhaqatiirta dhaxdooda iyadoona sidoo kale labada dhinacba ka soo bixi donaan su’aalo iyo jawaabo oo ku saabsan habka talaalka wanaagsan.
Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka KGS. Ayaa waxay waddaa dadaalo ku aadan horumarinta caafimaadka iyo badqabka bulshada KGS, waxaana sidoo kale ay jiraan tababaro noocyadaan oo kale ah oo kor loogu qadaayo aqoonta iyo fahanka dheer ee dhaqaatiirta xaruumaha kala duwan ee KGS.
Codkakoonfurgalbeed.com