Home » Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha.

Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Nolosha qoyska Maxamed Maxamuud Mukhtaar oo ka kooban 12 qof ayaa isbeddeshay markii uu faa’iido ka helay ganacsi isaga iyo 29 dhallinyaro ah ay billaabeen bishii Siteembar ee sanadkii hore.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa sheegay inay qiimo yar ku soo iibsadaan ariga wayda ah ee la keeno sayladda Baydhabo. Baxnaanin iyo daryeel dheeraad ah ayay siiyaan, taas oo horseedda inay suuqa uga helaan qiimo sare bilooyin kaddib, waxaa ka iibsada xoolo dhaqato iyo dadka ariga hilibkiisa ka ganacsada.

Dhallinyarada ayaa jaamacado dhameeyay intiii u dhaxaysay 2020-2022, balse waxaa ku adkaatay inay shaqo ku helaan taqasusyadii ay sanadaha aroor walba u kallihi jireen.

Maxamed ayaa sheegay inuu kobac samaynayo ganacsigooda marba marka ka danbaysa. Bishii labaad ee sanadkan ayay soo iibsadeen shan halaal oo irmaan ah, kuwaas oo ay caanahooda suuq geeyaan.

“Maalintii $7 ayuu adeegooda noqdaa intaas ayuu hadda biil kooda ku baxa. Hadda noloshooda isbeddel fiican ayaan ku socda.”

Ariga iyo geela waxay ku hayaan beer ku taalla duleedka Baydhabo. Beertan ayuu sheegay inay markii hore kiraysteen balse ay ka iibsadeen faa’iidadii ay ka heleen bilihii ugu horreeyay ganacsigooda.

Ninkan ayaa tilmaamay inay daqliga soo gala 70% qaybsadaan, halkan inta kale ay u dhigaan socod-siinta shaqada. Maxamed ayaa sheegay inuu bille u qaato 180 doollar oo mushaar ah. Lacagtaas ayuu ka maareeyaan qoyskiisa oo ah danyar.

Maxamed ayaa sheegay inuu shaqadan uga faa’iidaysay waxbaridda toddobo carruurtiisa ah, kuwaas oo dhigta iskuulka Mustafa Sheekh. Wuxuu ka diiwaan geliyay bishii koowaad ee sanadkan fasalada labaad, iyo saddexaad ee dugsiga hoose. Wuxuu bille uga bixiyaa 35 doollar.

Nolosha qoyska Maxamed ayaa ku tiirsanayd ka hor inta uusan shaqadan helin shaxaad uu waydiisto dadka oo uu xusay inay dhibsan jireen balse danta ay ku qasbi jirtay inuu u gacan hoorsado.  Ganacsigan isaga iyo kooxdiisa ay ku dhiiradeen ayaa Maxamed ka baajisay safar tahriib ah oo uu doonayay inuu ku tago dalalka Khaliifka markii masuuliyada qoyskiisa ay ku adkaatay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com