Home » Dhalinyaro shaqo abuur oo macalinimo ah ka helay iskuul ay horey uga baxeen.

Dhalinyaro shaqo abuur oo macalinimo ah ka helay iskuul ay horey uga baxeen.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Baydhabo Model School waxaa uu kamid yahay kuwa ugu fac weyn ee ku yaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay asigoo si toos ah waxbarashada loogu bilaawey snadkii 2002 waana School’kii ugu horeeyay ee magaalada Baydhabo ka bilaawa dugsiga sare.

Baydhabo Model School ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa uu shaqo abuur oo macalinimo ah ugu faa’ideeyay ku dhawaad todobo macalin kuwaasi oo dhameeyay isla School’ka taasi oo ka helay lacago ay noloshooda ku mareyaan.

Maamulka School’ka ayaa sheegay in tani qeyn ay ka tahay mid ay ku taageerayaan dhalinyaradaasi leh aqoonta fiican sidoo kalena aqoontooda ugu faa’ideynayaan ardada kale ee hadda dhigata School’ka, waxayna sidoo kale tusaale u yihiin jiidka cusub.

Fursaddaan shaqo abuurka ah ee School’ka ka heleen macalimiintaan ayaa siyaabooyin kala duwan ugu faa’deystay lacagta ay ka qataan School’ka madaama degaanka ay ka jiraan shaqo yari.

Macalin Cabdiraxiin Sheekh Xasan oo kamid ah macalimiinta fursadda shaqo abuurka School’ka ka helay ayaa sheegay in markii uu helay fursaddaani wax badan ay iska bedeshay nolashiisa sanado kadibna ka guursaday lacagtii halkaasi ka aruursaday.

Codkakoonfurgaleed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com