Home » Dhalinyarada ku nool degmada Berdaalle oo si isxilqaan ah ku sameynayaa Wadooyinka bur bursan(SAWIRRO)

Dhalinyarada ku nool degmada Berdaalle oo si isxilqaan ah ku sameynayaa Wadooyinka bur bursan(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)_Degmada Berdaalle xarunta gobolka Baay waxay kamid tahay degmooyinka muddo sanado ah helay dhismooyinka iyo dayactirka wadooyinka degmadaasi tan ilaa bur burkii dowladdii dhaxe ee dalka.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka xamaalatay ka xeynta gaadiidka kala duwan gaar ahaan kuwa Bajaajta ayaa bilaaway in ay dayactir ku sameyaan wadooyinka ay u badan yihiin ee ku shaqeystaan madaama magaalada dhaxdeeda aan la heyn wadooyin badan oo haddana dhisan.

Dhalinyaradaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ayaga dan ugu jirto dayactirka wadooyinka madaama ay kaga shaqeystaan ka xeynta gaadiidkooda.

“Haddaan nahay dhalinyarada gaadiidleyda ah ee ka shaqeysata degmada Berdaalle iyo degaanada hoostagaan kadib markii ay bur bureen wadooyinkii dhibna aan ku qabno waxaan go’aansanau inaan iska sameyno si aan u badbaadino gaadiidkeena, maamulka wuu awoodaa, lakiin intii la sugi lahaa waqtiyo kale hadda annagaa ka fudud”

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com