Home » Dhalinyarada isku soo dhibaysa Hay’adda Nise ee KG oo soo badanayaan-(SAWIRRO)

Dhalinyarada isku soo dhibaysa Hay’adda Nise ee KG oo soo badanayaan-(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo (CKG)-Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka KGS ayaa sii laba jibaartay howlgalada ay ku sugey aniga degaanada KGS gaar ahaan magaalada Baydhabo, waddooyinka ju baarto gaadiidka iyo dadka koogu shakiyo in ay anmiga qatar ay ku yihiin.

Hay’adda Nisa KGS ayaa dadaalada ay wado iyo fariimaha ay u direy dhalinyarada ku jira kooxda ay Shabaab ayaa kaalin weyn ka qadaneysa isu soo dhiibista dhalinyarada doonaya in ay ka soo baxaan,iyadoona dhawaan gacanta Nisa ay iskugu soo dhibeen dhalinyaradii ugu badnaa.

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 10 xubnood oo ka Mid ahaa kooxda Alshabab.

Waxana 10 xubnood kooxda Alshabab u qaabilsana Jabhadaha, iyagoona kasoo howlgaley Gobolada Jubooyinka, baay, bakool, Shabeellaha hoose, shabeelada dhexe ,mudug iyo hiiraan, Waxana Mid Walba uu sheegey in ay tahay Sababata ku kaliftey in ay Alshabab ay ka soo baxaan ay tahay Dhibaatada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

Tani waxey qeyb ka tahay dagaalada dowladda soomaaliya ay kula jirto kooxda alshabaab kuwaasi oo ka socdaan dhamaan gobolada dalka soomaaliya, iyadoona dhawaan KGS ka bilaawan doonaan wajigii labaad ee xureynta kooxda Al- shabaab.

Shirkii ugu dambeeyey madaxweynaha KGS Cabdicasiis laftagareen ee ka dhacay Degmooyinka Waajid iyo Xudur ayaa qeyb ka ahayeen arimaha looga hadlaayay dadaalda lagu doonaayo ka xureynta kooxda Al-shabaab degaanada ay kaga joogaan KGS.

Dhanka kale Waxaa ay baaq udireen Saaxibadooda kale ee ku jira Nabadiidka Alshabab .

 

codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com