Beledweyne (CKG) – Waxaa xaalad bani’aadanimo ah laga soo sheegayaa in ay ka jirto magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii uu wabigu ku fatahay magaalada.
Beledweyne dadkii ka barakacay oo degay bannaanka hore ee magaalada ayaa la soo warinayaa in aysan heysan biyo nadiif ah, cuno ku filan iyo meelo ay kuleylka cadceedda gabbaad uga dhigtaan.
Maalmahan waxaa magaalada Beledweyne joogey oo xaaladda u daraaseynaayey Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran Maxamuud Macallim Cabdulle.
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa ugu horreyn la wadiiyay sida xaaladda magaalada Beledweyne ay iminka tahay.
Halka hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran:
CodkaKoonfurGalbeed.com