Home » DF Soomaaliya oo hay’adaha Caalamiga ah kala hadashay Fatahaadda Baardheere

DF Soomaaliya oo hay’adaha Caalamiga ah kala hadashay Fatahaadda Baardheere

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa Talaadadii maanta shir guddoomiyay kulan xoogga lagu saarayo waxyeeladda fatahaadda Webiga Jubba ee bulshada Baardheere ee gobolka Gedo iyo sida loogu gargaarayo kaas uu la qaatay ku-xigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey iyo hay’ado Samafal oo maxali iyo caalami isugu jira.

Hay’adaha kulanka Wasiir Axmed Macallim Fiqi qeybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa hay’adaha samafalka sida SODMA, UN-OCHA, WFP, IOM, UNICEF, FAO iyo UNHCR.

War ka soo baxay Xafiiska wasiirka ayaa lagu yiri, ‘‘Iyada oo laga ambaqaadayo hagidda Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahmed Moallim Fiqi waxaa ay hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo saxiibada Soomaaliya balanqaadeen sida ay uga go’antahay in gurmad Banii’aadnimo oo degdeg ah lala gaaro bulshada ku dhibaateysan Baardheere iyo weliba xal u helidda fatahaadaha‘‘.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com