Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.
Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay’adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay’addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey horumarka ay sameysay Hay’adda Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka.
RW Xamse Cabdi Barre ayaa xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay Hay’adda Duulista Rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, isla markaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka, taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.
CodkaKoonfurGalbeed.com