Home » DF Soomaaliya oo Amar culus dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

DF Soomaaliya oo Amar culus dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XF Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hannaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.

Shirka waxaa ka qeybgalay, Wasiir-kuxigeenka wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee wasaaradda.

‘‘Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo  ama ay u badan tahay inay sababaan Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”.

Si kastaba, hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Wasaaradda u qaabilsan Arimaha Isgaarsiinta waa hay’adda masuulka ka ah fududeynta iyo horumarinta isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, waxaana lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaasoo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com