CEELBERDE(CKG)-Degmada Ceelberde gobolka Bakool ee koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa laga hirgaliyay nalalaka ku shaqeeya qoraxda kadib muddo sano ah taasi oo ka faa’ideysan donaan bulshada ku nool degmadasi.
Degmada Ceelberde oo ku yaasha Xuduudda soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay kamid tahay degmooyinka kala xirtay kooxda Al-shabaab iyadoo shacabkeeda u kala safari karin degmooyinka kale ee ka tirsan gobolka Bakool.
Nalalkaan ku shaqeeya qoraxda ayaa waxay wax weyn ku soo kordhin doonaan amniga, ganacsiga iyo isu socodka xilyada habeenkii bulshada ku nool degmada Ceelberde.
Hirgalinta nalalkaani ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay maamulka iyo bulshada ku nool degmada Ceelberde ayadoo ka qeyb qaadan doonaan horumarinta arrimaha bulshada ee degmada.
Codkakoonfurgalbeed.com