Home » Degmada Buur-Hakaba oo yeelan doonto golle deegaan.

Degmada Buur-Hakaba oo yeelan doonto golle deegaan.

by Weriye Ateera

Buur-Hakaba (CKG)-Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay waxay kamid tahay degmada ugu tuulada badan guud ahaan dalka soomaaliya, sidaasi ay tahay uma dhameystiran waxyaabaha muhiimka u ah bulshada ku nool degmada iyo degaanada hoose yimadaan.

Booqashadii ugu horeysay ee ku tagay madaxweynaha KGS mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa balan qaaday in la dhisi doono hay’adaha u adeega bulshada, waxaana wax laga qaban doona goobaha waxbarashada, caafimaadka, goobaha hanuuninta bulshada iyo wax kasta oo lagu horumarin karo bulshada.

Wasaaradda arimaga gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta KGS ayaa madaxweyne Lafta-gareen sheegey in sanad kadib 2024 degmada Buur-Hakaba maamulkeeda ku imaan doono qaab doorasho oo soo dooran doonaan gole degeen, waxaana laga soo xuli donaa bulshada oo keeni doonaan odiyaasha dhaqanka degmada Buur-Hakaba.

In la helo gole degaan ayaa madaxweyne Lafta-gareen ku tilmaamay in ay tahay horumarinta degaanka, helidda mashaariic iyo in ay isku filnadaan shacabka degmada Buur-Hakaba.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com