Baydhabo (CKG)- Ururka Gabdhaha ee Bay Woman ayaa deeq raashin ah oo ay soo wakiilatay wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo Fahiima Osmaan Omar u qeybiyey 70 Qoysas oo iskugu jira danyar iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Deeqdan dadka ka faa’ideystay waxay u mahadceliyeen Wasiirka Haweenka Marwo Fahiima oo bisha barakeysan ee Ramadaan awgeeda go’aansatay inay ku caawiso kuwa u baahan gargaarka iyo garab istaaga.
Baydhabo waxaa ku sugan dad saameyn ay ku yeelatay Abaartii sanadkan ku dhufatay dalka kuwaasi oo maciinbiday gabaadna kasoo raadiyey Baydhabo si un ay u helaan noolal ku filan.
CodkaKoonfurGalbeed.Com