Home » Dawladdii dhexe iyo damaca Itoobiya (Xog-warran sirdoon)

Dawladdii dhexe iyo damaca Itoobiya (Xog-warran sirdoon)

by Weriye Ahmed Yare

Marka hore, waxaan jeclahay inaan in kooban isu tilmaamo, dadweynaha aan hore ula socon qoraalladii taxanaha ahaa ee aan ku soo bandhigay boggan.

Waxaan ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) fursad qaali ah u helay inay qayb lama iloobaan ka qaataan dhismahiisa kaddib markii la mideeyey Qaybtii Sirdoonka Boliiska (Special Branch) iyo kii Ciidammada Qalabka Sida (Military Intelligence), kaasoo dhidibbada u aasaasay Nabad Sugidda Soomaaliyeed, 8dii Janaayo 1970kii. Waxaan go’aansaday inaan intaa uga baxo anigoo u daynayo Ummadda Soomaaliyeed oo runtii ah garsooraha dhabta ah.

Intii u dhexaysay asaaska  ciidanka NSS (08/01/1970) ilaa burburkii dawladdii dhexe (30/12/1990), hawlihii kala geddisanaa ee aan ka qayb qaatay waxaa ka mida ahaa Maamulka iyo lasocodka jabhadihii mucaaradka ee ka horjeeday keligii taliyihii u bareeray inuu qabsashada xukunka ku daadiyo dhiig badan oo uu ugu horreeyo Boqorkii Haile Selassie iyo saraakiil sare oo badan oo ka mid ahaa Golihii Kacaanka ee hoggaanka Itoobiya la wareegay (Derg).

Waxaan ka mid ah saraakiishii loo xilsaaray inay wareystaan madaxda jabhadihii mucaaradka ahaa, kuwaas oo kala ahaa:

1- Meles Zenawi (TPLF – Tigray People’s Liberation Front)
2- Isaias Afewerki iyo Mohamed Ramadan (EPLF) – Eritrean People’s Liberation Front.
3- Osman Salah Sabbi – (ELF) – Eritrean Liberation Front – Garab ku xirnaa dalalka Carbeed.
4- Jeylani Buna – (OLF) – Oromo Liberation Front.

Dawladdii dhexe waxay jabhadahasi iyo hoggaamiyahooda ku martigelisay xafiisyo, deegaanno, gaadiid, raashin iyo baasabooro diblomaasiyadeed ay ku safraan.

Waxaan mid-mid wareysiyo xog uruurin qaatay dhowr bilood la yeelannay madaxdooda iyo saraakiisha la socotay intaba, kuwaasoo natiijadii ka soo baxday u suurta gelisay dawladda Soomaaliya inay ka dhex aragto fursad dagaal oo ay ku xureyn karto Soomaali Galbeed. Waxaan ka diyaarinnay warbixinno kala duwan oo guud ahaan ka koobnaa 2000-2500 bog.

Waxaa hubaal ah in dad badan ay isweydiin karaan ujeeddada aan qoraalkan u soo bandhigay. Sideedba, Soomaalidu waxay ku caan baxday inay daffiraan xusuusta taariikhdooda, Runtii, waxaan ogsoonahay in haddii aad rabto inaad qiimeyso xaaladda aad ku sugan tahay, waxaa lama huraan ah inaad ku saleyso xaaladda aad ku sugnayd (barbardhig: Shalay iyo Maanta), haddiise aad rabto inaad mustaqbalka taxliisho waxaa iyana lagama maarmaan ah inaad ku saleyso midda aad u sugan tahay (barbardhig: Maanta iyo Berrito).

Waxaa hubaal ah in shakhsiyaad kooban ay fikirkaasi qabaan waayo inta badan waxay ku fekeraan maxaad maanta quudataa ee aanu marnaba isku taxluujin mustaqbalkiisa iyo kan qaranka, taasoo lagu tilmaami karo mid hammi la’aan ah. Sidaa awgeed, ujeeddada aan ka leeyahay waa inaan xusuusiyo kuwa aan kor ku soo xusay iyo kuwa isku nafaqeeyo falebbada qabyaaladda (Tribalism Solution Drip).

Haddba, waxyaabihii aan ka barannay wareysiyaddii aan madaxda jabhadaasi la yeelanay waxaan ka mid ah inay ka wada sinnayeen in mucaaridnimaddoda ay ku saleysnayd la-dagaallanka xukunkii markaas jiray ee Mengistu Haile Mariam ee aan marnaba ku ahayn qarannimaha iyo midnimmada Itoobiya.

Haddii aan soo koobo, jabahadaha Tigray iyo Eritreya waxay ka wada sinnaayeen haalgankooda ku saleysan ridista xukunka Mengistu, hase yeeshee tan Oromada, markii aan ka wareysanay dhulka ay u halgamayaan, waxay na soo hordhigeen qariidad aan aad uga fajacnay oo qeexaysay in dhulkooda uusan ku ekeyn dhulka Itoobiya oo keliya ee ay ku andacoodeen inuu soo gaarayo degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaabigana ku haysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qiimeyn saddex cisho qaadatay kaddib, Taliska NSS waxay u gudbisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, wuxuu amray in si degdeg ah Xafiiskooda albaabada loo laabo, baasaboorrada lagala noqdo si degdeg ahna looga masaafuriyo dalka. Halkaa waxaa ka caddaatay in qowmiyadaha faraha badan ee Itoobiya ka kooban tahay, marka laga reebo Oromadu oo ku sifowday inay tahay qowmiyadda keliya ee Itoobiya ee u hanqal taagaysa dhul Soomaaliyeed.

Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay: Xukunka Itoobiya waxaa soo maray Qowniyadda Amxaarada iyo Walayto, waa maxay sababta ay u soo ixbaxday sheegashada dhulka iyo xeebaha Somaaliya kaddib markii ay Oromadu qabsadeen Xukunka Itoobiya oo madax ka noqday Abyi Ahmed? Jawaabtu waxaan u dhaafayaa Soomaalida weli ku jirto waddaniyadda iyo samatabixinta isirka Soomaaliyeed.

Oromadu waxay faafiyaan dacaayad raqiis ah sal iyo raadna lahayd oo ku salysan inay Oromada iyo Somaalidu kala fogeyn kana soo wada jeedaan hal Isir. Soomaaliyey, waxaan leeyahay: Maskaxdu waxay u shaqaysaa sida dallaayad (Parachute) oo si fiican u shaqo gudato markay furanto. Maskaxdu ha furnaato ee yaan lagu koobin oo keliya afkaarta xirxiran oo meelna hiigsanayn.

Qoraalkaygan waxaan ku soo gabagabaynayaa: Jiritaankeenna waxaa heerkan soo gaarsiiyey halgankii awoowayasheenii, marka laga reebo soddonkii sano ee u dambeeyey oo aan dib u noqonnay, annuguna waxaa waajib nagu ah inaan ubadkenna u sii xaarno mustaqbal ka wanaagsan midka aan hadda ku jirno.

Aan dib isugu noqonno, haddii kale waxaan mas’uul ka noqon doonaa, Addun iyo Aakhiro, cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilladda xunxun oo aan caadeysannay.

Mahadsanidiin,

W/Q: Ahmed Dhakal
Global Consultant & Analyst
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
X:@AhmedKarate5

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com