Home » Dahfurka qaadashada Sabarloogooyinka cusub ee dhulalka oo ka dhacday D/Baraawe.

Dahfurka qaadashada Sabarloogooyinka cusub ee dhulalka oo ka dhacday D/Baraawe.

by Weriye Ateera

Baraawe(CKG)-Maamulada gobolka Sh/hoose iyo kan degmada Baraawe ayaa dahfuray qaadashada Sabarloogada cusub ee KG iyo nadaamka cusub keydinta Sabarlooga.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa dhamaan taliyaasha iyo Saraakisha laamaha amniga iyo ururada bulshada ra’idka.

Nadaamkaan cusub ayaa loogu tala galay in ay galaan dadka heysta Sabarloogada saxda ah iyo lahaanshaha dhuulka.

Sidoo kale dadka aan heysan Sabarloogo ayaa dhankooda mari doona hab raaca ay dowladda jiheysay.

Bulshada ku nool degmada Baraawe ee ka qeyb galay kulanka ayaa soo dhaweeyay qaadashada iyo cusbooneysiinta Sabarloogooyinka dhulalka.

Bulshada ayaa sheegtay haddi si sax ah loo qaato warqadaha lahaanshiyaha dhulalka in meesha ay ka bixi doonto is qab-qabsiga ku aadan dhulalka, taasi oo marar badan isku dhacyo dhibaatooyin ay dhaliyeen.

“Waqti badan ayaan sugeynay baahiyo badan ayaan u qabnay waana soo dhaweynaynaa haddaan nahay odiyaasha degmada Baraawe” ayuu yiri mid kamid ahaa odiyaashii goobta joogay oo kulanka la socday.

Bulshada oo la fikir ah odiyaashii goobta ka hadlay ayaa sheegay madaama ay yihiin nadaam sharci ka bulsho ahaana ay kaga qeyb qaadan doonaan wax yaabihii kaga aadan.

Gudoomiyaha maamulka degmada Baraawe Liibaan Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in ay muhiim tahay qaadashada Sabarlooga iyo sidoo kale heerarka lala soo maray in halkaan soo gaarsiyo.

“Waxaan halkaan u wada joognaa howl aan wada sugaynay oo caasimadda KG in ay ka hirgasho ay aheyd muddo badan la soo waday howshaasi oo ah in Sabarloogooyinkii Dowlad goboleedka KGS ugu tala gashay in lagu maamulo degaanadeeda la helo ay tahay mid guul ah” ayuu yiri Liibaan Abuukar Gudoomiyaha maamulka degmada Baraawe.

Si dhamaan 18 degmo ee ka kooban tahay KGS loo gaarsiyo ayaa bulshada ku booriyay gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sabarlooyinka si sax ah loo qaatay si loo helo Sabarloogooyin sax ah oo ay ku duwaan gashan tahay maamulka KGS.

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in hadda ka dib aysan jiri doonin in qof Sabarloogo aan jirin iska sameysta oo dhuul si sharci daro ah uu ku deganaado.

Dhamaan laamaha Amniga gobolka Sh/hoose ayaa la faray in ay ka hortagaan dadka Sabarloogooyinka beenta ah dhuulalka ku dega.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com