Home » Dagaal xooggan oo Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Laascaanood

Dagaal xooggan oo Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Laascaanood

by CKG Editor

Laascaanood (CKG) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya, in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa SSC uu ka dhacay duleedka magaaladaas.

Dagaalkan oo xoogiisa uu ka dhacay Bariga Magaalada Laascaanood ayaa ka dambeeyay, kadib markii dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay sameeyeen Ciidamada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu socday in ka badan 4 saacadood, kaas oo leysku adeegsaday hubka culus.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, sidoo kalena Hoobiyeyaal ay ku dhaceen Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah.

Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay duleedka Magaalada Laascaanood ayaa ku soo aadaya xilli maanta Somaliland looga dabbaa-degayo 18-ka Bisha May oo ah markii Somaliland ay ku  dhawaaqday inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com