Home » Dagaal u dhaxeeya ciidanka Booliska KG iyo kooxda Al-shabaab oo ka dhacay degaanka Uffurow.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Booliska KG iyo kooxda Al-shabaab oo ka dhacay degaanka Uffurow.

by Weriye Ateera

Uffurow(CKG)-Wararka laga helaayo degaanka Uffurow oo ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyo ciidanka Booliska gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab kaasi oo ka dhashtay qasaaro is kugu jira dhimasho iyo dhaaca oo labada dhinac ah.

Sida laga soo xiganaayo saraakiisha ciidanka maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaani uu ahaa mid qorsheysan oo ciidanka ay ku qadeen degaankaasi.

Saraakiisha oo lahadlay warbaahinta CKG ayaa u xaqiijiyay in dagaalka lagu qaaday degaanka Uffurow ay ku dileen ilaa shan askari oo ka tirsan kooxda Al-shabab.

Dagaalkaani ayaa yimid ka dib markii ciidanka maamulka koonfur galbeed soomaaliya howlgalo qorsheysan ay ka sameyeen tuulooyin ka tirsan degaankaasi Uffurow ayadoona ciidanka ay kaashanayaan shacabka degaanka.

Si guud markii looga hadlay degaanka Uffurow waxaa maamula oo gacanta ku haaya kooxda Al-shabaab muddo sanado ah ayadoona howlgalkaani ku soo aadan xili degmooyinka qaar ee koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com