Home » Dagaal qasaaro geystay oo ka dhacay degmada Ceelberde ee G/Bakool.

Dagaal qasaaro geystay oo ka dhacay degmada Ceelberde ee G/Bakool.

by Weriye Ateera

Ceelberde(CKG)-Dagaal sababay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac Una dhaxeeya Ciidamada daraawiishta Maamulka KGS iyo Kuwa Xoogga dalka ayaa dhacay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib, markii ay isku dhaceen labo askarin oo ka kala tirsan xoogga dalka iyo maamulka KGS.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka, dagaalka oo socday saacado ayaa inta badan degmada Ceelberde la wareegay ciidanka KGS.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo katirsan Baarlamaanka Koongur Galbeed oo ku sugan Degmada Ceelberde ayaa sheegay in maalmahaanba degmada ay ka jirtay cabso in dagaal uu ka qarxado taasi oo ku sheegay in lisku heystay gudoomiye loo soo magacaabay degmada Ceelberde.

Weli lama kala qaadin ciidamadii dagaalka dhaxmaray, waxaana odiyaasha degmada Ceelberde wadaan dadaalo ku aadan sidii ciidamada loogu kala celin lahaa xirootinkooda.

Wixii fafaahin dheeraad ah kala soco halkaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com