Deeganka Maxamed Xasan (CKG)- Dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac iyo Al-Shabaab ayaa Maanta oo Jimce ah ka dhacay deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya degaannada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka dowladda ay heleen xogta ah in xubno Al-Shabaab ka tirsan ay soo galeen deegaanka Maxamed Xasan, taasi oo keentay in ciidanka dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka weerar saf ballaaran ah ku qaadaan fariisinka Al-Shabaab ee deegaanka Maxamed Xasan.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay galeen Godad ay ka sameysteen dhulka Buurta ah ee degaanka Maxamed Xasan, hayeeshee Ciidamada dowladda ay hub culus ku garaaceen si ay uga saaraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne, Wasiirkii hore ee Gaadiidka Badda Faarax Gacameey iyo saraakiil ciidan ayaa hoggaaminaya ciidanka weerarka ku qaaday fariisinka Al-Shabaab ee deegaanka Maxamed Xasan, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Maxamed Xasan ayaa sheegaya in weli meelo kamid ah degaanka laga maqlayo rasaas xoogan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay doonayaan inay Al-Shabaab si xoog ah uga saaraan degaanka.
Codkakoonfurgalbeed.com