Home » Dagaal Culus Oo Buula-Mareer Ka Dhacay Iyo Al Shabaab Oo Gudaha U Galay

Dagaal Culus Oo Buula-Mareer Ka Dhacay Iyo Al Shabaab Oo Gudaha U Galay

by Mohamed Adam Socdaal

Buula-Mareer (CKG)- Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka oo jicmo ah weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa bilowday dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa saldhiga iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana dagaalka halkaas ka dhacay uu socday laba saacadood oo xiriir ah, lana maqlayay hubka culus.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Buulo-mareer ayaa u sheegay Idaacadda VOA inay Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee magaalada oo ay markii hore kusoo weerareen qaraxyo laba ah , iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada dhexeeda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Diyaarado joog hoose ku socda ay dul-heehaabayaan saldhiga ciidanka ATMIS ee Buulo-mareer, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii ka dhacay magaaladasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhiga ay leeyihiin ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda, ayna cagta mariyeen, waa sida ay hadalka u dhigeen, dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com