BELEDWEYNE(CKG)-Dadka degan Hareeraha Webiga ayaa lee jeediyay digniin ku saabsan fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo degmooyinka ku xeeran ee gobolka Hiiraan.
Wabiga Shabeelle ayaa ka sare maray heerkii halista badnaa, waxaana uu ku sii siqayaa heer aad halis u ah, taasoo keeneysa khatar weyn oo fatahaad ah.
Digniintan ayaa ku wajahan magaaooyinka kala ah, Beledweyne, Buulo Burte, Jalalaqsi, Jowhar, Balcad, iyo deegaanada ku dhow dhow.
Iyadoo dhawaan roob badan uusan ka da’in Soomaaliya iyo bariga Itoobiya, haddana biyaha ka imaanaya buuraleyda Itoobiya ayaa keenay in heerka webiga uu sare u kaco.
Dadka degan Hareeraraha Webiga ayaa loogu baaqay in ay ka feejig naadaan oo ay ka fogaadaan Hareeraha Webiga shabeelle si loo yareeyo saameynta fatahaadaha suurtagalka ah in ay wax yeeli geystaan .
Codkakoonfurgalbeed.com