Baydhabo(CKG)-Saddex boqol oo qoys oo barakac ku tagay magaalada Baydhabo bartamihii bishii Maarso ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari. Waa qoysas faro maran oo naftooda ka la soo baxsaday dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.
Waxay ku biireen xeryo magaalada ku yaala oo kuwii horay u daganaa aysan ku helin gargaar cunto iyo adeegyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.
Qoysaskan oo u badan beeraley ayaa barakacoodu ku soo beegmay xilligii ay tacban jireen beeraha. Si ay uga faa’ideystaan roobabka guga oo billowday horraantii bishan April.
Cali Maxamed Cabdi oo dadkaas ka mid ah waxay qoyskiisu degeen xerada Mubaarak. Wuxuu sheegay in waxa kaliya ee dabka ay ku shitaan tahay raashiin ay ku caawiyaan dadka xerada kula nool. Xaaladan oo kale ayuu xusay inaysan waligiis soo marin.
“Carruurta maanta wax aan u owoodo malahan. Sedex wakhti carruurta maanta uma awoodo. Hal wakhti oo dad walaal ah oo masaakiin ah iyaguba ayaa isiiya. Dhibaato iyo nolol xumo tii ugu xumed ayaa nahaysata.”
Qoyska Cali ma haystaan hoy ay ka galaan roobka Gu’ga iyo qoraxda maalinkii oo ah mid aad u kulul. Wuxuu sheegay in marka uu roob da’ayo ay galaan buushaska dadka dariskooda ah, habeenkiina ay seexdaan meel bannaan oo uu ku xeyn daabay dhir uu soo guray.
Ninkan oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa tilmaamay in toddobaadyada uu joogo uu raadiyay shaqo xoogsi ah oo nolosha reerka uu ka dabbaro, balse wali ma helin.
Wuxuu xusay in reerkiisu ka baahan yihiin 17 loor oo ah masago ka soo hartay dalag uga soo go’ay beertiisa oo lix hiktar ah. Wuxuu goostay Dayrtii la soo dhaafay. Wuxuu qorsheynayay in qoysku sii isticmaalo illaa bisha July, markaas oo filashadiisu aheyd inay u soo ga’aan dalagyo kale oo gugan uu beerto.
Codkakoonfurgalbeed.com