Home » Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Mareykanka

Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Mareykanka

by Mohamed Adam Socdaal

Dallas (CKG)– Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayey suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Boqolaal qof ayaa laga daad-gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen. kadib markii nin hubeysan uu si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dad wadada marayey.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa, isla-markaasna ay rumeysan yihiin in uu kaligii falka geystay.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka, kuwaas oo saddex ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.

Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof – oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen isla goobta, halka labo qof oo kalena ay ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la qiyaasi karin, wuxa uuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu wax kasta oo gargaar ah u fidiyo maamulka deegaanka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com