Bariire(CKG)– Ciidamo katirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS eek u sugan degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ayaa waxaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen xaafado katirsan degaankaas, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Cali Maxamed Cumar Cali Bariire oo mar so noqday Guddoomiyaha degaanka Bariire ayaa sheegay in qoyskiisa oo ku sugan degaanka Gurigooda uu ku dhacay madaafiicda ay soo tureen Ciidamada ATMIS, isla markaana ay ku dhaawacmeen Wiil uu dhalay, Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay, kuwaas oo ku sugan degaanka.
Codkakoonfurgalbeed.com