Home » Dad isku qoys ah oo ku geeriyooday madaafiic ay ciidanka ATMIS ku garaaceen G/Shabeellaha Hoose

Dad isku qoys ah oo ku geeriyooday madaafiic ay ciidanka ATMIS ku garaaceen G/Shabeellaha Hoose

by CKG Editor

Baraawe (CKG) – Ciidamada Uganda ee qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu soo warramayaa inay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe oo qiyaastii 15 km u jirta Caasimadda KoonfurGalbeed ee Baraawe ee G/Sh/Hoose.

Wararka ay helayso warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya, in madaafiicdan ay ku dhinteen ilaa iyo 6 ruux oo isku qoys ah, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin carruur.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Baraawe Cabdulqaadir Khaldaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada dadkaasi iyo dhaawaca laba ruux oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka ATMIS ay heleen xogta ah in xubno katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab ay isku Abaabulayeen meel aan ka fogeyn deegaanka Mudul Baraawe si ay u soo weerareen, taas oo keentay inay Ciidanka ATMIS halkaasi duqeeyaan.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Axaddii shalay ay ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka ATMIS ay duqeyn dad rayid ah dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray ay ka geysteen deegaanka Buula-mareer, ka gadaal markii ay halkaasi dagaal kula wareegeen Al-Shabaab oo weeraray.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya oo ku aadan madaafiicda ciidamada ATMIS ay ku dileen dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Sh/Hoose.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com