Home » Dad isku qoys ah oo ku dhintay Daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere

Dad isku qoys ah oo ku dhintay Daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere

by Mohamed Adam Socdaal

Baardheere (CKG)- Kadib Roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed & inay kala xirmaan xaafadaha qaar.

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ayaa sheegaya in daadadkii ka dhashay Roobka ay ku geeriyoodeen 8 Ruux oo ay kujiraan dad isku qoys ahaa, waxaana kamid ah Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wilyar ay dhashay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa CodkaKoonfurGalbeed.com u sheegay in qoyskaan ay kamid ahaayeen dad Guryahooda ay biyaha ugu galeen, iyada oo sidoo kale ay jiraan dad gurihii ay deganaayeen uu ku dumeen Roobka iyo fatahaada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in qaar kamid ah dadka kunool degmada Baardheere ay billaabeen inay Guryahooda ka barakacaan kadib markii ay Biyo ugu soo galeen, waxaana sidoo kale kala xiran xaafadaha qaar oo aan leysugu gudbi Karin.

Maamulka degmada Baardheere ayaan weli ka hadlin dhacdada ay dadka ku geeriyoodeen, waxaana dhawaan ay aheyd markii ku dhawaad 10 Ruux ay ku geeriyoodeen Tog kuyaalla degmada Baardheere oo ay ku dhaceen halkaas oo ay Biyo ka buuxeen.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com