G/Buuray(CKG)-Guddoomiyaha Maamulka degaanka Goofgaduud Buuray ee gobolka Baay Aadan Kuusow Isaaq oo la hadlaayay warbaahinta KGS ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladaha guud ee degaanka asigoona sheegay in amniga degaanka uu xiligaani uu yahay mid lisjy haleyn karo kaasi oo ay iska kashanayaan ciidamada SNA iyo shacabka degaanka.
Guddoomiye Aadan Kuusow ayaa sheegay Ciidamada guutada 8,aad ee qeybta 60,aad ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u xureyn lahayeen amniga guud degaanka Goofgaduud Buuray iyo tuulooyinka hoos yimaada howlgaladii ugu dambeeyeena laga sameeyay tuulooyin badan oo loogu shakisanaa inay joogaan kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegey degaanka uu u baahan tahay in wax laga qabto dhinaca arrimaha bulshada sida xaruumaha caafimaadka, waxbarashada, dhismooyinka waddooyinka iyo goobaha kale ee bulshada loogu adeego.
Codkakoonfurgalbeed.cm