Home » Daawo Nuxurka Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Xasan ‘‘Nidaamkii hore waa uu ka guuray dalka‘‘ +(VIDEO)

Daawo Nuxurka Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Xasan ‘‘Nidaamkii hore waa uu ka guuray dalka‘‘ +(VIDEO)

by CKG Editor

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Villa Soomaaliya / Photo: CKG

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Axadda maanta ah shir jaraa’id ku qabtay Villa Soomaaliya, ayaa faah-faafiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay la soo xiray.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa hareeraha ka taagnaa markuu shirka jaraa’id qabanayay ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha JFS ayaa carab dhabay, in sanadka ay jirto dowladiisa ay xoogga saartay arrimaha Ammaanka, Xorreynta dalka iyo Deyn cafinta Soomaaliya.

“Dalka waa guuray, wuxuu ka guuray nidaamyadii hore ee uu ku saleysnaan jiray, odayaal dad magacaaba ka nimiday 50 qof ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimiday,” ayuu ku yiri Shirkiisa jaraa’id Madaxweyne Xasan

Inta badan shirkiisa jaraa’id madaxweynaha dalka, wuxuu diiradda ku saaray heshiiskii siyaasadeed ee xalay la gaaray iyo in dalka uu guuray, uuna ka tagay dhammaan nidaamyadii hore ee wax lagu dooran jiray.

Halka hoose ka daawo Shirka jaraa’id ee Dhammeystiran:

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com