BARAAWE(CKG) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda KGS Mudane Nur Sidow Baba Ayaa u soo xiray tababar muddo sadex Maalin Magaalada Baraawe Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya uga socday Culimaa’udiinka Degmada Baraawe.
Tababarkaan ayaa waxaa looga hadlaayay Culimada sidii ay islaaxa iyo Nabadda ugu jiheyn lahayeen bulshada ku nool degmadaasi madaama culimada iyo bulshada kaalin weyn ay ku leeyihiin nabadeenta.
Wasiirka wasaaradda ayaa Culimaa’udiinka kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan islaaxa iyo nabadda shacabka dhexdiisa ah.
Wasiirka ayaa ugu mahadceliyey Maamulka degmada iyo Culimaa’udiinka sida ay ugu wada shaqeeyaan howlaha hortabinta leh oo bulshada lagama maarmaanka u ah.
Codkakoonfurgalbeed.com