Baydhabo (CKG)- waxaa uu kamid yahay Isbitaalka Labaad ee Ugu weyn Gobolka ee Ku yaala Magaalada Baydhabo waxaa u adeega bukaano badan oo ka kala imanaya gobolada Bay Bakool Gedo iyo goobo kale.
Baayhaaw Generaal Hospital waxaa hore wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed u qorsheysay in la dhigo dadka uu soo rito shuban biyoodka isagoona howlihii caadiga ahaana ay ka socdaan waxaa gacanta ku haya Hay’adaha Sama, ICF iyo Wasaaradda Caafimaadka.
Waxaan booqaney qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka waxaa iga muuqanayey tiro bukaano ah oo u muuqdey kuwo kayimid baadiyaha fog kuwaasi oo xanuuno kala duwan qabay Dhaqaatirta Isbitaalka Bayhaaw waxay noo sheegeen in hada uu jiro bukaano uu soo ritay Shuban biyoodka iyo 13 kiis oo malaria ah waana kuwa hada ugu daran ee Ka jira isbitaalka.
Dr Abdullahi Mayow Ibraahim Agaasimaha Isbitaalka ayaa u sheegay Codkakoonfurgalbeed.com tirada uu soo ritay cudurka shuban biyoodka iyo sida ay ula tacalayaan “kiisiska ilaa hada aan baarney waa ilaa shan ruux waana cudurka daacunka sida baaritaan wasaaradda Caafimaadka ay sameysay nagu war gelisay ayuu yiri”
Codkakoonfurgalbeed.com