Home » Ciyaaroyda 17 Jirada Soomaaliya Oo Itoobiya Baaritaano Dhanka Da’da Ah Ku Maraya (SAWIRRO)

Ciyaaroyda 17 Jirada Soomaaliya Oo Itoobiya Baaritaano Dhanka Da’da Ah Ku Maraya (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Addis Ababa (CKG)- Cayaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyed ee 17 jirada ah oo xalay gaaray dalka Ethiopia ayaa maanta la marsiiyay SCAN-ka MRI ee lagu xaqiijinayo in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta ka hor inta aanay usii gudbin dalka Algeria halkaas oo mar labaad baaritaan kama dambeys ah ay ku mari doonaan.

Natijada baaritaanka ayaa la rajeynayaa in ay soo baxdo berri oo Sabti ah, waxaana natiijadaasi ay go’aamin doontaa tirada kama dambeysta ah ee ciyaartooyda da’dooda saxda ah kuwaasi oo ka qeyb geli doona tartanka Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee 17-jirada.

Xulka Qarankeenna ayaa cayaarta ugu horeysa ee Africa U-17 Cup of Nations la cayaari doonta dalka Algeria 29-ka bishan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com