Home » Ciidanka xoogga dalka oo wado furis ka sameeyay inta u dhaxaysa gobolada Baay iyo Bakool.(SAWIRRO)

Ciidanka xoogga dalka oo wado furis ka sameeyay inta u dhaxaysa gobolada Baay iyo Bakool.(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)- Kormeer waddo isku furis ah inta u dhaxayasa degmada Waajid oo ka tirsan Gobalka Bokool iyo wadada degmada Bardaale oo iyadana katirsan Gobalka Baay ayay kasameyeen ciidinka xogga dalka Soomaaliya, iyadoona waddooyinkaasi ay yihiin kuwo u xiran kooxda Al-shabaab oo si dhumalaysi ah ku jooga goobahaasi.

Inta badan wadooyinka isku xira dhamaan degaanada KGS, ayaa ah kuwo halis ku ah gaadiidka bulshada ee ku safra  iyo mararka qaar oo ciidamada dagaal kala kulma kooxda al-shabaab.

Ciidanka isku maraayay waddooyinkaasi ayaa waxaa horkacaayay (C) Ibraahim Daljir oo ah Taliyaha ururka 46,aad ee guutada 8,aad qeybta 60,aad ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya.

intii lagu dugi jiray howlgalka Wado furinta ah ayaa waxay sameyeen in ay iska qadaan dhoor jidgooyo oo ay horay ay u dhigeen kooxda al-shabaab, si ay uga hortagaan gaadiidka iyo kareetooyinka dameeraha ee raashiinka u sida degmooyinkaasi.

Dhamaan waddooyinka KGS, ayaa ka wada siman yihiin xirnaan shaha, waxaana si toos ah loo tilmaami karaa in waddooyinkaasi kooxda al-shabaab dhimaato nafeed iyo mid hantiyeedba uga geysatay bulshada KGS, taasina bulshada si aad ah ayay u taabatay madaama waxyaabaha kaliya ay isticmalaan ay yihiin

Madaama hadafka uu yahay in kooxda al-shabaab laga dulqaado shacabka Soomaaliyeed oo dhan weliba ka naafeyay, ayaa ah in ciidanka dhiigooda ay u dadiyaal shacabkooda.

Taasi oo ay ka duulayaan ciidanka xoogga dalka qeybta 60,aad ayaa waxay wadaan sidii loo daba gali lahaa iyo goobaha sida dhumaleysiga ah ku joogaan kooxda al-shabaab,

Dhamaan ciidamada dalka oo heegan ku jira ayaa haddana ciidanka xoogga dalka ee qeybta 60,aad waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay kooxda al-shabaab kaga sarayaan goobaha ay maamulaan ama sida dhumaleysiga ah ay ku joogaan.

Muhiimadda ayaa ah nabadeenta dalka iyo hagaajinta nolosha bulshada, hesha bash bash iyo barwaaqo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com