Home » Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanno hoos yimaada Xarardheere

Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanno hoos yimaada Xarardheere

by Mohamed Adam Socdaal

Xarardheere (CKG)- Faah faahinno dheeeraad ah ayaa laga helayaa Howlgallo Ciidanka Xoogga Dalka ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Howgalka ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa saaka ciidanku ka fuliyay Deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Masuuliyiinta Gobolka iyo Saraakiisha horkacaysay Howlgalkaasi ayaa guulo waa weyn ka sheegtay, waxaana ay tilmaameen inay dileen xubno ka tirsan Dagaalamayaasha AL-Shaabab.

Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Al-Shabaab u siday Hub iyo dagaalamaayal hubeysan.

Waxaana Guddoomiyaha uu sheegay in ladilay xubno ka tirsan Al-Shabaab,  isla markaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay wateen iyo labo gaari, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com