Home » Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Muhiim Ah

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Muhiim Ah

by Mohamed Adam Socdaal

Galcad (CKG)- Ciidanka xooga dalka oo kaashanya dadka degaanka ayaa howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen ayay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay.

Dhankale Taliye Saneey Cabdulle oo fariin u diray Al-Shabaab ayaa yiri. “Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah jano ayaan doonaynaa hanaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka”

Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilowday waxaana ilaa iyo hada lagala wareegay dhul farabadan oo kuyaalla Gobolka Galgaduud, sida Sabansableey iyo Ceelafwayn oo u dhow degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com