Home » Ciidanka Ilaalida Waddooyinka degmada Xudur oo howlgal ka sameeyay degmadaasi(SAWIRRO)

Ciidanka Ilaalida Waddooyinka degmada Xudur oo howlgal ka sameeyay degmadaasi(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

XUDUR(CKG)-Si loola socdo dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka ka dhax shaqeeya Gudaha magaalada Xudur iyo kuwa soo gala isla markaana ujeedka looga gol leeyahay uu yahay adkeynta amniga iyo la socodka gaadiidka aan laheyn Aqoonsi sharci ah iyo dadka ku cusub Magaalada in la ogaado xogtooda iyo siday ku imaadeen. in ay argagaxisadu la shaqeeyaan in kale.

Ciidamada nabadsugida Koonfur Galbeed Qeybta Gobolka Bakool iyo Ciidanka Nabad Galyada wadooyinka Booliisku waxa ay ka bilaabeen Howlgalo lagu adkeynayo la socodka dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka iyo dadka.

Guuud ahaan suuqyada iyo banaanka magaalada ayaana ciidamadu saf ku soo mareen shacabka ayaana aad u soo dhoweeyey Talaadada ay ciidanka ay wadaan.

Inta howlgalka socday ayaa waxa lagu soo qabtay dhalinyaro ku cusub magaalada. Taliska nabadsugida ayaana sheegay in tanni ay tahay keliya amni xaqiijin qofkii aan wax dhibaato ay wadanin ay sii dey doonan.

Codkakoonfurgalbeed com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com