Home » Ciidanka Dowlada oo ku sugan Deegaanka Goof-Gaduud Buurey oo lagu Dhiiregeliyay Deeq Xoola ah.

Ciidanka Dowlada oo ku sugan Deegaanka Goof-Gaduud Buurey oo lagu Dhiiregeliyay Deeq Xoola ah.

by Weriye Ateera

Buurey(CKG)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Xildhaibaan Saalax Shariif Siidkey oo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiin Shalay gaaray Deegaanka Goof-Gaduud Buurey ee Gobolka Baay ayaa kormeerey Fariisamaha Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Deegaankaasi.

Wasiirka oo Socdaalkiisa ay qeyb ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan koonfur Galbeed iyo Saraakiil Ciidanka Xooga Dalka ka mid ah ayaa la hadlay Ciidanka waxaana uu faray Adkeynta Amniga iyo Sugida Amniga Guud ee Gobolka Baay.

Wasiirka ayaa Ciidamada Dowlada ku dhiiregeliyey Xoolo Nool kuwaas oo sida uu ku dhawaajiyey Ciidanka ay uga dhigayaan Mahad-Celin, ay sugayaan Amniga Deegaanka.

Wasiir Saalax Shariif Siidkey ayaa intaasi kadib la hadlay Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad oo Deegaanka Goof-Gaduud Buurey kusugan, waxaa uu u jeediyey Khudbad isugu jirtey Goobaabo, Dhiiregelin iyo Mahadcelin.

Dowlada Soomaaliya ayaa haatan Dagaal Adag kula jirta Dagaalamiyaasha Al-Shabaab kaasi oo ka socoda Deegaanada gaar ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele, waxaana Dhowaan sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhawaajiyey la qorsheynayaa wejiga Labaad ee Dagaalka, lagana bilaabi doono Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com