Home » Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhaceysaay Moobeelada

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhaceysaay Moobeelada

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa  gacanta Ku soo dhigey Koox  ku eedeysan fal Burcadnimo  oo Taleefoono ka dhacdey  dad Shacab ah .

War qoraal ah ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidaan:

Maanta Taariikhda 13-05-2024  abaaro  07:30 subaxnimo ah ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed  Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa .

Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen  Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban  991  Kuna war geliyey In La dhacay.

Xarunta Gurmadka  ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Booliiska ee  u dhawaa goobta dhaca laga geystey.

Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday  Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo  Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey  Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen

Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay  Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Muddooyinka dambe  Falalka la xiriira dhaca telefonada Mobeelada ayaa ku soo badanayay  Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadooo kooxa dhaca geystay  ay ku xararaan Mooto Bajaaj Markii  falka ka dhaca ah ay geystaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com