Home » Ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle oo ku biiray maamulka Hiiraan State.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle oo ku biiray maamulka Hiiraan State.

by Weriye Ateera

Beledweyne(CKG)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Hirshabeelle oo ka gadoodsan Mushaar la’aan afar bilood ah ay xirteen wadada dheer ee Laamiga oo halbowle u ah isku socodka magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan ayaa hakad galiyay mudo saacado ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wada laamiga ah gaar ahaan afaafka hore ee Saldhiga Booliiska Baledweyne, kuwaas oo qaarkood la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in sii xeri doonaan meelo badan oo muhiim ah sida labada buundo ee Liqliqato iyo Buundaweyn.

Mid ka mid ah askarta ayaa sheegay in lacag dhan 400 oo doolar ay ka maqan tahay oo ah Mushaarkii uu ku shaqeynaayay, wuxuuna xusay iney ku biirayaan maamulka Hiiraan State ee Cali Jeyte madaxweynaha ka yahay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com