Garoowe (CKG)- Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay Xirteen waddooyin muhiim u ah isku socodka guud ee waddooyinka Magaaladaasi.
Ciidamada oo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan ayaa waxaa ay xirteen sida wararku tilmaamayaan Kontroolka Bari ee Magaalada garoowe.
Gaadiid aad u farabadan oo doonayay inay soo galaan Magaalada ayaa lasoo sheegayaa inay ku xayiran yihin Bannaanka Magaalada, sidoo kale Gaadiidka doonaya inay Magaalada kasoo galaan dhanka bari ayaa igana ay cilinayaan.
Waxaana hakad ku jira isku socodka Guud, iyadoo Gaadiidka ay Ciidanku haystaan ay u badan yihiin kuwa Xamuulka Qaada, ee magaaalaasi iyo Degmooyinka kale isaga kala goosha.
Magaaalda Garoowe iyo Magalooyinka kale e Maamulka Puntland ayaa wxaaa inta badan kusoo noq-noqda Gadoodka ay sameynayaan Ciidamada Mushaar la’aantu ku dhacday.
Wali Saraakiisha iyo masuuliyiinta Maamulkaasi wax war ah kama soo saarin, waxaana Ciidanku ay sheegen in waddooyinka aysan furi dooonin, sidoo kalena gaadiidka aysan fasixi doonin ilaa ay ka helaan xuuuqaadka ka maqan.
Codkakoonfurgalbeed.com