Home » Ciidamo Daraawiish ah oo ku baxay shaqaaqooyin ka jira tuullooyin dhaca SH/Dhexe

Ciidamo Daraawiish ah oo ku baxay shaqaaqooyin ka jira tuullooyin dhaca SH/Dhexe

by Weriye Ateera

Biyo-Cadde(CKG)-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo Daraawiish ah u diray gobolka Sh/Dhexe si ay u kala dhex-gala beelo ku dagaalamay tuullooyin hoostaga deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka  Sh/Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankaasi Daraawiishta ah ayaa kula dardaarmay in la sugo nabadgelyada deegaankaasi,isla markaana ay u howlgalaan ilaalinta badqabka muwaadinka.

Taliyaha waxa uu carabka ku adkeeyay in la qabto cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkooda,lana  qabto dadka nabad-diidka ah ee ku dhexjira bulshada.

Ciidamadaan ayaa ku biiri doona kuwo kale oo ka howlgala deegaankaasi,kuwaas oo si wadajir ah u wajihi doona xakameynta colaad u dhaxeysa laba beel iyo sidii loo soo celin lahaa amniga halkaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com