Wednesday, February 28, 2024
More

    Ciidamada Xogga Dalka Oo Meydad Ku Soo Bandhigay Bartamaha Magaalada Baydhabo

    Baydhabo (CKG)- Deegaanka Makuude oo toddobo KM dhanka Koonfur kaga beegan Magaalada Baydhabo xalay waxaa ku dagaalamey guutada 8 aad ee qeybta 60 ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo fadhiisimo ku leh halkaasi iyo Al Shabaab oo abaaro lixdii saac iyo Tobbonkii habeenimo weerer ku soo qaadey difaacyadda Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Makuude.

    Khasaaraha labada dhinac ayaa ah 15 dhimisho ah iyo dhaawacyo soo gaarey dhinacyadii dagaalamay.

    Gashaanle Cali Ibraahim Cali Xabad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in afar iyo toboon ay ka dileen Al Shabaab inta dadweynaha loo soo bandhigayna ay ahayeen afar kamid ah dagaalamiyaasha Al shabaab Xabad ayaa sheegay in dhankooda hal askari uu ka geeriyoodey midna dhaawac fuduud soo gaarey sida uu hadalka u dhigay.

    CodkaKoonfurGalbeed.Com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com