Home » Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya oo loo iibinayo Diyaarado Drones ah

Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya oo loo iibinayo Diyaarado Drones ah

by CKG Editor

Kampala (CKG) – Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa sheegay in uu qorsheynaayo sidii Ciidamada Uganda ee ku sugan soo Soomaaliya uu ugu iibin lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka haddii aysan taageero ka heli karin la hawlgalayaasheeda.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay inay taageero xagga hawada ah ka rabeen Turkiga iyo Maraykanka, balse aanay waligood ka helin taageeradaas.

Museveni ayaa ku eedeeyay ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Uganda ka sheegay kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS’ Kulankaas oo Museveni uu dhaleecayn ugu jeediyay Wadamada Soomaaliya ka taageera weerarada dhinaca circa ah.

Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa 54 askari looga dilay weerarkii dhammaadkii bishii may ka dhacay saldhigga Buulo Mareer.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com