Home » Ciidamada NISA Oo Howlgal Ka Fuliyay Degaano Katirsan Gobolka Gedo

Ciidamada NISA Oo Howlgal Ka Fuliyay Degaano Katirsan Gobolka Gedo

by Mohamed Adam Socdaal

Belad-xaawo (CKG)- Ciidamada Nisa Qeybtooda Duufaan ee Gobolka Gedo ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxay ka sameyeen deegaano hoos yimaada Degmooyinka Balad-Xaawo iyo Doloow ee Gobolkaasi Gedo.

Ciidamada ayaa aroornimadii maanta waxay gaareen deegaano miyiga fog oo Xubno katirsan Al-Shabaab mararka qaar lagu arki jiray, kuwaasi oo dadka degaannada ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmi jireen.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo Janeraal Jamaal Xasan Sareey oo hogaaminayey howlgalka ayaa sheegey in inta lagu jirey bisha barakaysan ee Ramadaan ilaa laga gaarayo ciida ay laba jibaareen howlgalada si loo xaqiijiyo nabadgalyada iyo amaanka bulshada. Mar kastana ay joogtayn doonaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo waxaa ka socday diyaar garoow ku aadan sidii loo billaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com