Baydhabo (CKG)- Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka waday maalmahan inta badan gudaha Xaafadaha Magaalada Baydhabo iyo duleedka.
Howlgalkan oo ahaa mid lagu sugaayey Amiga guud Ee Magaalada ayaa Ciidamada maanta ka fuliyeen Wadooyinka soo gala Magaalada Gaar Ahaan Onodka makuudi iyo suuqa xoolaha,Xaafadaha Bardaale,Horseed,iyo isha.
Waxaana inta Howlglka Socday Ciidanka ay baarayeen gawaarida isticmaala Wadooyinka, geerishyada, iyo Dadkaba.
Saraakiisha hogaaminaysay howgalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Howlagalada noocan ah inta deegaanada koonfur galbeed lagaga xuraynayo Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale sheegay in horay ugu guulaysteen burburinta shabkadooyin Al-Shabaab ah oo ka dhisanaa Magaalada Baydhabo
Codkakoonfurgalbeed.com