Home » Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah

Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah

by Weriye Ateera

Soomaaliya(CKG)-Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.

Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay  u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si usoo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda.

Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daweynayo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com