Waajid (CKG)- Wasiir Ku Xigeenka Wasarda Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Federalka Somaliya Mudane Salax Shariif Siidkey Ayaa Labo Neef Geel Ah ku Wareejiyey Ciidanka Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad CXDS Ku Sugan Magalada Wajid.
Goobta Wareejinta Labaada Neef Waxaa Ku Sugnaa Maamulka Degmada Waajid Uu Horkacayo Guddomiyaha Degmda Waajid Mudane Mohamed Moallim Yusuf, saraakiisha ciidamada iyo masuulin kale.
Uljeedka ayaa wuxuu ahaa sidii lagu dhiira-galin lahaa saraakiisha iyo ciidamada ku sugan degmada Waajid oo dagaal ay habeen iyo maalin kula jiraan kooxda Al-shabaab.
Guddomiyaha Degmda Waajid Mudane Mohamed Moallim Yusuf ayaa kahadlay dhiira-galinta iyo sida mar weliba loo garab istaagan yahay ciidamada, taasi oo ku sheegay in ay qeyb ka qaadan doonto in ciidamada si hagar la’aan ah ay ugu adegaan shacabkooda.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Diinta iyo awqaafta DF asigoo mar weliba uu garan taagan yahay maamulka degmada, shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Waajid.
Degmada Waajid ee gobolka Bakool waxay kamid tahay degmooyinka KG ee kooxda Al-shabaab go’doomisey mudo sanado ah.
Codkakoonfurgalbeed.com