Garoowe(CKG)-Xaalada Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saaka degan kadib markii shalay ilaa xalay ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo kuwo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in la kala qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa hubeysan oo ku dagaallamay caasimadda Puntland ee Garoowe kadib markii ay ku baxeen Odayaasha Dhaqanka.
Dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ilaa 7 Ruux halka in ka badan 30 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana aaga lagu dagaalamay ee Xarunta Baarlamaanka ka barakacay boqolaal Qoys.
Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka, Isimada Dhaqanka SSC iyo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Garoowe inay xabadda joojiyaan oo wixii khilaaf ah ee jira wada-hadal ku dhameeyaan.
Codkakoonfurgalbeed.com