Home » Ciidamada Jubbaland oo Saldhiga Al-Shabaab ka Bur-buriyay(SAWIRRO)

Ciidamada Jubbaland oo Saldhiga Al-Shabaab ka Bur-buriyay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Weelmaaro(CKG)-Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa burburiyey saldhig ay Khawaarijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada hoose halkaas oo ay ku dileen ilaa 17 dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta.

Tiro Maleyshiyo ah oo dhawaan kasoo qalinjabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada Cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu’aale ayaa howlgalka lagu beegsaday waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ciidanka ayaa noo xaqiijiyay in Khawaarijta lagu laayey howlgalka caawa ay u badnaayeen ajaanib ku soo gardarootay dalkeena.

Khawaarijta shartooda ummadda la dhaafiyay Meydkooda Telegram ka soo daawo.

Codkakoofurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com