(CKG) Howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-gor ay maanta ka fuliyeen degaano dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in Al Shabaab looga saaray deegaanada kala ah, Xarar-tiir, Garasyaani, Baarey, Baladul-Amiin iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta gobolkaas, ciidanka ayaa burburiyey godadkii iyo difaacyadii ay Al Shabaab ku lahayeen deegaanadaas. sida warbaahinta dowlada ay sheegtay.
Deegaanadan cusub ee Dowladda kala wareegtay Al Shabaab waxaa la sheegay inay aheyeen deegaanadii ugu dambeeyey ee shabaab ay kula hadleen bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com