77
Ceeldheere (CKG)- Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa Gacanta ku Dhigay Deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.
Ciidamada ayaa Goobta ku Dilay sida dowladu ay sheegtay Horjooge Ka tirsan Al Shabaab u Qaabilsanaa Galgaduud kaas oo lagu Magacaabi jiray Ilkacase.
ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Deegaanka ayaa beriyahan dambe waday howlgalo ka dhan ah degaalamiyaasha Al shabaab waxayna maalinba maalinta ka dambeysa ay la wareegayeen deegaano horleh.
Codkakoonfurgalbeed.com